Kooxda Al-Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay hawl-gallo kala duwan ka fulisay gobollada Mandheera iyo Gaarisa oo ka mid ah dhulka ku hoos-jira gumaysiga Kenya.
Gobolka Mandheera, waxaa ka dhacay saacadihii lasoo dhaafay weerar jid-gal ah oo ay fulisay kooxda Al-Shabaab, kaas oo sida la sheegay lala beegsaday gaari Qooqan ah oo ay la socdeen Injineerro u dhashay dalka Kenya.
Sidoo kale maleeshiyaad Soomaali daba-dhilifyo ah ayay xogtu tibaaxaysaa in ay la socdeen isla markaana waardiyeynayeen Injineerradan Kenyaatiga ah. Kuwaas oo la xaqiijiyey in khasaare nafeed uu soo gaaray kuwii wax ilaalinayay iyo kuwii la ilaalinayeyba.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa xaqiijiyey dhimashada ugu yaraan 5 qof oo isugu jira saddex Injineer oo Kenyaati ah iyo laba ka mid ah maleeshiyaadkii ilaalada u ahaa.
Wararka ka imanaya gobolka Gaarisa ayaa sheegaya, weerar culus oo saacadihii lasoo dhaafay kooxda Al-Shabaab ku qaadday xerada ciidamada Kenya ee degmada Ijaara.
Sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo aanu helnay, ugu yaraan 7 askari oo ka tirsanaa ciidamada Kenya ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday weerarkaasi. Waxaana lagu gubay 1 gaari iyo sidoo kale Teendho ka dhisnayd gudaha xerada ciidanka ee la weeraray.
Geesta kale, faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa weerar culus oo mintidiintu ay ku qaadeen xero ciidamada Kenya ku leeyihiin deggaanka Sareedo ee hoostagta magaalada Dhadhaab ee isla gobolka Gaarisa. Waxaana ku dhaawacmay ugu yaraan 1 askari oo Kenyaati ah.
